10-KA DAL EE QAARADA AFRIKA UGU DADKA BADAN?

 BARNAAMIJKA TAXANAHA TOBANLAYDA | Qaybta 1aad

Waxaan barnaamijkeena taxanaha tobanlayda qaybtiisa kowaad kusoo qaadan doonaa 10-ka dal ee qaarada afrika ugu dadka tirada badan.

1. Nageria : Dalka Nageria aa dal kuyaala galbeedka qaarada afrika caasimada dalku waa magaalda Abuja , tirada dadka ku nool dalkaan ayaa lagu qiyaasa inay tahay 206,139,589 ( labo boqol iyo lix milyan , boqol soddon iyo sagaal kun , iyo shan boqon sideetan iyo sagaal.)

2. Ethopia waa dal ku yaal geeska afrika caasimada dalkan waa magaaladaa Addis ababa , tirada dadka ku nool dalkaan ayaa lagu qiyaasa inay tahay 114,963,588 ( boqol toban iyo afar milyan , sagaal boqol lixdan iyo saddex kun iyo shan boqol sideetan iyo siddeed.)

3. Egypt (masar  ) waa dal ku yaala waqooyiga qaarada afrika. caasimadu dalku waa magaalada qaahira .Masar waxee ka midtahay wadamada aadka u duqsan, waxeena leedahay taariikh aad dheer. Wadankaan waxaa markiisa hore xukumi jiray boqortooyo, waxaana lagu yaqaanaa ama ee caan ku tahay Mudulada sadax geeska ah oo lagu magacaabo afka ingriiska (Pyramids). 

tirada dadka ku nool dalkaan ayaa lagu qiyaasa inay tahay 89,561,403 ( sideetan iyo sagaal milyan , shanboqol lixdan iyo kow kun , iyo afar boqol iyo saddex)

4.Dr Congo waa dal ku yaal baratamaha qaarada afrika caasiamda dalku waa Kinshasa , tirada dadka ku nool dalkaan ayaa lagu qiyaasaa 89,561,403 ( sideetan iyo sagaal milyan , shan boqol lixdan iyo kow kun , iyo afar boqol iyo saddex)

5. South africa ( koonfur afrika ) waa dal ku yaala  koonfurta hoose ee qaarada Afrika. caasimada dalku waa Magaalda Pretoria . tirad dadka ku nool dalkaan ayaa lagu qiyaasa inay tahay 59,734,218 ( konton iyo sagaal milyan , todobo boqol soddon iyo afar kun iyo labo boqol iyo sideed iyo toban.

6. Tanzania , waa dal madax banaan oo ku yaal bariga Afrika caasimada dalka waa Dodoma , tirada dadka ku nool dalkaan waxaa lagu qiyaasa 59,308,690 ( konton iyo sagaal milyan , saddex boqol iyo sideed kun iyo lixboqol iyo sagaashan kun)

7.  Kenya, waa dal ku yaal bariga Afrika caasimada dalka waa magaalda Nairo bi , tirada dadka ku nool dalkaan waxaa lagu qiyaasa 53,771,296 ( konton iyo saddex milyan , todobo boqol todobaatan iyo kow kun iyo labo boqol shagaashan iyo lix kun.)

8. Uganda, waa dal ku yaal bariga Afrika caasimada dalka waa magaalda kampala , tirada dadka ku nool dalkaan waxaa lagu qiyaasa 45,741,167( afartan iyo shan  milyan , todobo boqol afartan  iyo kow kun iyoboqol lixdan iyo todobo)

9.Algeriawaa dal ku yaal waqooyiga Afrika caasimada dalka waa magaalda Algiers, tirada dadka ku nool dalkaan waxaa lagu qiyaasa 43,851,044( afartan iyo saddex milyan , sideed boqol konton  iyo kow kun iyo afartan iyo afar)

10.Sudanwaa dal ku yaal waqooyiga Afrika caasimada dalka waa magaalda khartuumtirada dadka ku nool dalkaan waxaa lagu qiyaasa 43,849,260( afartan iyo saddex milyan , sideed boqol afartan iyo sagaal kun iyo labo boqol iyo lixdan)



Aleel Media



Post a Comment

0 Comments