MAXAA KA CUSUB DALKA HINDIYA?




Dalka Hindiya waa wadan ku yaala qaarada  Aasiya Wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadamada Bakistaan, Shiinaha, Nebal, Butaan, Bangladesh iyo Burma. Dhinaca xeebaha neh waxoo xuduud la leeyahay wadamada Siri Laanka, Jasiirada Maldiif, iyo Indonesia. Magaalo madaxda wadanka waa New Delhi. Wadanka Hindiya waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 1+ Biliyan oo qof, waxaana lagu hadlaa luqado gaareeso in kabadan 100af. Hindiya waa wadanka afaraad oo ugu ganacsiga badan aduunka.

Dalka Hindiya ayaa dhaafi doona Shiinaha, oo noqon doonta dalka ugu dadka badan adduunka dhamaadka usbuucan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka Hindiya, ayaa la filayaa in ay gaaraan 1,425,775,850 qof dhammaadka Bishan Abriil, xogta cusub ayaa muujineysa.

Hay’ad kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa toddobaadkii hore saadaalisay in dadka dalka India ay dhaafi doonaan tiro ahaan dadka dalka Shiinaha bartamaha sanadkan.

Wadamada Aasiya, ayaa waxay noqonayaan in ka badan seddex meelood meel dadka adduunka in ka badan 70 sano.

“Shiinuhu waxa uu dhawaan lumin doonaan maqaamkii uu mudada dheer haystay, ee ahaa dalka ugu dadka badan adduunka,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA).

Waxay intaas ku dartay "sababtoo ah hubanti la'aanta la xiriirta qiyaasta iyo saadaalinta dadweynaha, taariikhda gaarka ah ee Hindiya ee la filayo inay dhaafto Shiinaha tirada dadka waa qiyaas, waxayna ku xiran tahay dib u eegis".

Hey’adda si gaarka ah u qaabilsan dadweynaha ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in usbuucii hore dalka Hindiya noqon doonto tiradooda 2.9 bilyan oo qof, in ka badan Shiinaha bartamaha sanadkan 2023-ka.


Aleel Media

Post a Comment

0 Comments