ANDREAS CHRISTENSEN IYO FRANCK KESSIE AYAA KA BIXI KARAAN BARCELONA HADDII AYSAN IS DIIWAAN GELIN KA HOR FURITAANKA LA LIGA

WARBIXNTA CIYAARAHA

Kooxda Barcelona  ayaa codsi soo jeedin ah u gudbisay cayaaryahanada kala ah Franck KessiĆ© iyo Andreas Christensen si ay u dhimaan mushaarkooda kooxda, laakiin jawaabta labada cayaaryahan ayaa noqotay mid ay ku gacan seyreen codsigaas.

Labadan ciyaaryahan ee daafaca kaga dheela naadiga barcelona ee Andreas Christensen iyo Franck Kessie ayaa beeca xorta ah ugu biiray Barcelona xagaagan, laakiin labadan qof ayaa laga yaabaa in ay ka tagaan kooxda reer Catalonia ka hor inta ayna ciyaarin kulankoodii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah. 

Warbixin ka soo baxday ESPN ayaa soo jeedinaysa in labada ciyaaryahan ay bixi karaan haddii aan la diiwaan gelin ka hor kulanka furitaanka ee sabtida ee Rayo Vallecano iyadoo arrimaha dhaqaalaha ay sii wadaan inay dhibaato u geystaan ​​kooxda

Aleel Media


Post a Comment

0 Comments